Haweeney ninkeeda ku dacwaysay inuu geyn waayey Xaramka iyo furiin dhacay !

Haweeney 45 jir ah oo magaceeda lagu sheegay Karima Nuhu, ayaa Talaadadii  ninkeeda Musa Falalu ugu gacan qaaday maxkamada shareecada Islaamka dhexdeeda ee Rigasa ee gobolka Kaduna, kadib markii ay ku eedeysay inuu diiday inuu u dhoofiyo dalka Sacuudiga.

Wakaalada wararka ee Nigeria NAN, ayaa sheegtay in haweeneydan oo ku nool deegaanka Rigasa ay maxkamada u sheegtay, inay is qabaan Falalu mudo afar sano ah, balse uu siiyay kaliya biil labo bilood ka dib guurkooda.

“Waxa uu ii sheegay in shaqadii uu hayay ee ​​darawalnimo ay ka dhamaadeen, balse uu mid kale ka helay dalka Sucuudiga.

Wuxuu ka codsadey ninkani xaaskiisa inay u sabarto, oo uu ka balan qaaday inay u raaci doonto dalka Boqortooyada Sucuudiga” ayay tiri haweenaydu.

“Hadda, nafteyda anigaa biila, xitaa lacag ayaan ku amaahiyay si uu safarka Sucuudiga ugu bixiyo, laakiin ka dib markii uu helay wixii uu rabay ee lacagta ahayd, wuu i furay,” ayay tiri.

Waxa ay sheegtay haweeneydani Maxkamadda in Alle ay ku gari doonaan, halkaasna iyada iyo ninkeeda maalinta qiyaamaha lagu qaadi doono maxkamaddooda.

Hase ahaatee eedeysanaha, ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, isagoo Maxkamadda u sheegay inuu furay Xaaskiisa.

Garsooraha maxkamada, Malam Anass Khalifa, oo xaqiijiyay furriinka labada lamaane, ayaa sheegay in maxkamada ay dhageysan doonto cabashada dhanka haweeneyda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -