Hey’adda SORDI oo Muqdisho ku qabatay Madasha Caymiska Caafimaadka (Sawirro)

Waxaa lagu qabtay Magaalada Madasha Caymiska caafimaadka (Mogadishu Health Insurance Forum)  taasoo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Cilmi baarista iyo Horumarinta Soomaaliyeed “Somali Research and Development Institute” (SORDI) oo kaashaneysa Mashruuca PSPH.

Waxaa Munaasabadan ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia, Dhaqaatiir, Culimaa’udiin aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi baarista iyo Horumarinta Soomaaliyeed (SORDI) Prof. Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo furitaanka madashaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada uu leeyahay adeega ceymiska Caafimaadka iyo baahida ay bulshadu u qabto.

Prof. Dalmar ayaa xusay in dadka Soomaaliyeed intooda badan aysan helin adeegga ceymiska Caafimaadka duruufaha ka jira dalka awgood, ayna ku tiirsan yihiin jeebkooda iyo xarumaha gaarka ah loo leeyahay ee Caafimaadka.

“Caafimaadka Somalia %90 wuxuu ku xiran yahay qofka jeebkiisa ama lacag ay iska aruuriyeen qoyskiisa iyo eheladiisa marka uu gaaro heerka labaad ee daaweynta iyo qaliinka, waa laga yaabaa marka uu joogo heerka koowaad in la helo dhowr Isbitaal oo dowladu Maamusho oo laga heli karo adeegyo kooban, laakiin waxaa laga wada dheregsan yahay in caafimaadka dalkeena uu ku tiirsan yahay xarumaha gaarka loo leeyahay (Private Sector)” ayuu yiri Prof Dalmar.

Waxaa uu intaas ku daray in sababaha aysan u badneyn dadka heli kara adeegyada ceymiska Caafimaadka ay tahay bulshada inteeda badan oo aan faham buuxa ka heysan faa’iidada adeegyada ceymiska wacyi gelin gelin la’aan jirta iyo dadka qaarkood oo aan awoodin iney helaan adeegaas sababo la xiriira duruufaha nololeed ee jira iyo magaalooyinka dalka intooda badan oo adeega ceymiska aan laga heli karin.

Gudoomiyaha guddi hoosaadka adeegga bulshada ee aqalka sare ee Baarlamanka Somalia Prof. Cusman Maxamuud Dufle oo munaasabadaas ka hadlay ayaa bogaadiyey Cilmi baaristan oo uu xusay iney iftiimisay baahida bulshadu u qabto helitaanka adeegga ceymiska Caafimaadka dalka iyo sidii arrintaas looga shaqeyn lahaa.

Prof. Dufle ayaa sheegay in ceymiska Caafimaadka uu yahay mid faa’iido badan oo caalamka intiisa badan ka jira balse bulshada Soomaaliyeed intooda badan aysan ku baraarugsaneyn, taasoo uu xusay in loo baahan yahay waci gelin badan in laga sameeyo.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin mudan Prof. Dr C/risaaq Axmed Dalmar, heyadda uu agaasimaha u yahay ee SORDI iyo dhammaan heyaddihii kale ee gacanta ka geystay diyaarinta Cilmi baaristan oo ah mid qiimo badan oo aan rajeynayo iney fure u noqoto wax ka qabashada arrimaha Caymiska Caafimaadka  Somalia” ayuu yiri Prof. Dufle.

Waxaa sidoo kale munaasabada hadalo iskugu jiray  hambalyo, bogaadin iyo dhiirigelin ka jeediyey Guddoomiyaha Ururka Jaamacaddaha Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Jaamacadda Benadir Prof. Maxamed Maxamud Xassan (Biday), Shiikh Cabdi xayi oo ka tirsan Culimada Soomaaliyeed iyo xubno kale.

Intii ay socotay Munaasabadaas ayaa qaar ka mid ah aqoonyahanadii ka qeyb galay waxay yeesheen doodo la xiriira sida ugu haboon ee loo horumarin karo adeega ceymiska Caafimaadka iyo qaabkii bulshada loogu wacyi gelin lahaa waxtarkiisa.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -