Allbanaadir.com
NEWS

Madaxdii Xamaas ee joogay Doha oo ka baxay Qatar

Hoggaamiyayaasha Xamaas ee ku sugnaa magaalada Doxa ayaa ka baxay dalka Qatar, iyadoo ururka uusan dooneyn inuu sheego halka ay xubnahan ku sugan yihiin, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ururka Xamaas.

Tani waxay timid, kaddib markii shalay ay dawladda Qatar si rasmi ah u xaqiijisay bixitaanka saraakiisha Xamaas iyo in uusan shaqeyneyn xafiiskii Xamaas ee Doxa, sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, oo sheegay inaysan tan ahayn in la xiray xafiiska, balse ay la xiriirto inay Qatar hakisay dhexdhexaadinta heshiiska maxaabiista iyo xabbad-joojinta Qasa.

Mareykanka ayaa dhankiisa maalin ka hor ka digay dalalka caalamka iyo xulafadiisa inay marti-geliyaan xubnaha ururka Xamaas ee ka baxaya Qatar.

Ka bixitaanka hoggaanka Xamaas ee Qatar, ayaa tilmaan u ah inaysan jirin suurtagalnimada dhow ee xabbad-joojinta Qasa dagaalka bariga dhexe dhankiisa ma jirto wax aan sare mar ahayn oo laga filayo .

Waxaa kaloo loo qaadanayana ficilka Qatar, calaamad muujineysa inay jirto suurtagalnimada ay Israa’iil ku doonayso inay beegsato xubnaha Xamaas, arrintan oo uu ballanqaaday Netanyahu.

Sida laga maqlay sarkaal ka tirsan Xamaas oo la hadlay Al Jazeera, xubnaha Xamaas waxay tageen dalal kala duwan, wallow aan si rasmi ah loo sheegin, iyadoo sarkaal kale oo Falastiini ah oo ay xigatay BBC-da uu sheegay inay Xamaas ka fogeynayso cadaadis dalalka ay tageen saraakiishooda ka baxay Qatar, mana ay sheegi doonaan, sabab la xiriirta Mareykanka iyo Israa’iil inaysan dooneyn inay helaan gabaad hoggaanka Xamaas.

Turkiga oo ay inta badan tagaan xubnaha Xamaas ayaa dhowaan beeniyay in xafiiska ururka loo raray halkaas, wallow Turkiga uu yahay goobta la fahansan yahay inay xubnaha sare ee Xamaas ku sugan yihiin, taasoo jirta Mareykanka ayaa si cad u sheegay inay la wadaagi doonaan Turkiga inaysan dooneyn sidii hore in loola macaamilo Xamaas.

Related posts

Imaam Masaajid oo caan ah oo Caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Booliska Norway oo qabtay shabakad Soomaali u badan oo ka ganacsata daroogada

Caydiid Ali

Axmed Madoobe: “Difaaca waan ka baxnay, cadowga godadkiisa ayaan ku weerareynaa””

Caydiid Ali
Taboola Ads ---