Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo oo laga hor yimid

Guddoomiye ku-xigeenada Baarlamanka Soomaaliya C/weli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, iyagoo ka soo horjeestay mooshinka laga keenay Madaxweynaha ee uu qabtay gudoomiye Mursal.

Shirka jaraaid ayaa ka danbeeyay ka dib kulan ay yeesheen xildhibaanno la sheegay iney ka badnaayeen 100 oo taageersan Madaxweynaha Soomaaliya.

Labada guddoomiye ku-xigeen ayaa sheegey in Guddoonka Baarlamanka uusan qaban karin dacwad siyaasadeed iyo Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha oo u baahan maxkamad Dastuuri ah.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Mooshinka uu qabtay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh uusan sharci ahayn, kana yaallo Qaraar Baarlamaanku horey u gaaray oo sheegaya in Goluhu qaban karin mooshin Madaxweyne iyadoo aysan dalka ka jirin maxkamad dastuuri ah oo soo cadeysa eedeymaha loo jeediyey.

Guddoomiye ku xigeennada Baarlamanka waxay sheegeen in Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo uu yahay sharci darro wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaadana uu qaadi doono guddoomiye Mursal, iyaguna aysan wax shaqo ah ku lahayn dhibaatada uu dalka u horseedo.

Labada Guddoomiye ku xigeen ayaa ku dooday inaan la qaban karin mooshin madaxweyne inta laga dhisayo Maxkamadda Dastuuriga ah.

“Maadaama aysan jirin Maxkamad dastuuri ah Guddoomiye Mursal isagaa yaqaana halkii uu la aadi lahaa mooshinka uu qabtay, waanuna uga dignay arrintaas inta uusan qaban” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi kasoo jeeda Xawaadle oo loo balan qaaday Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle iyo Lacag

admin

Sarkaal ka tirsan Q/Midoobay oo ka mid noqday dadkii lagu laayey weerarkii Liido

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Howlgal qorsheesan ku dilay Cabdi Xasan Deer

Cabdi Cade