Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo war cusub ka soo saartay Khasaaraha weeraradii Mareykanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa qirtay in weeraradii ka yimid Mareykanka iyo Israa’iil oo lagu beegsaday xarumaha nukliyeerka dalkaasi ay sababeen burbur, islamarkaana qiimeyn lagu sameynayo ay socoto.

Waxa kale oo uu sheegay in aan hadda wax qorshe ah loo haynin in wadahadallo lala bilaabo Mareykanka. Hadalka wasiirka ayaa imaanaya kadib markii Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan uu jeediyay khudbaddiisii ugu horreysay ee telefishinka tan iyo markii uu dhaqan gashay xabbad-joojin ay Mareykanka iyo Qadar ka shaqeeyeen oo dhex martay Israa’iil iyo Iiraan.

Wariyaha CBS ee arrimaha dibadda, Imtiaz Tyab, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay wuxuu sheegay in iiraan dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kadib dagaalkii dhimashada lahaa ee 12-ka maalmood socday ee ay la galeen Israa’iil inay muuqato in dagaalkaasi uu kiciyay midnimo qaran oo naadir ah oo ay muujiyeen shacabka Iiraan, kuwaas oo inta badan si weyn ugu kala qaybsan sida dalkooda loo maamulo.

Wasiirka arrimaha dibadda wuxuu sheegay in xarumahaasi aanay u burburin sida uu sheegay Madaxweynaha Mareykanka, wuxuuna sidoo kale sheegay in Iiraan si cad u sheegtay in ay guul ka gaartay Israa’iil, ayna “dhirbaaxo” ku dhufatay Mareykanka sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaas raaciyay in Iiraan  ay tahay dal si weyn u ixtiraama taariikhdiisa iyo dhaqankiisa ku dhowaad 3,000 sano jirka ah. Waxaa naloo sheegay in aragtiyada hoggaanka Iiraan ee waqtiga ay si weyn uga duwan yihiin sida ay dadka u fahansanyihiin waqtiga.

Tani micnaheedu waa, in haddii barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan dhab ahaantii dib u dhac weyn ku yimaado– bilo ama xitaa sanado – sabab la xiriirta qaraxyadaasi, hoggaanka Iiraan weli waxay rumaysan yihiin in waqtigu ugu dambeyn iyaga u shaqayn doono guushana ay ku dambayn doonto.

Related posts

Rooble oo guddi u magacaabay dib u soo celinta Ciidankii la geeyay Baladweyne (Magacyada) .

Cabdi Cade

Saddex Beel oo sameestay isbaheysi cusub oo dagaal lagalaya Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Kenya oo tijaabineysa in Dhiiga cad lagu daweyn karo dadka qaba Caronavirus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---