Ciidamada dowlada oo howl gal hub lagu soo qabtay ka fuliyay guriga Cabdirashiid Janan

Ciidamada booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haram Cad ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay guri uu leeyahay Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo kuyaala degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada dowlada ayaa guriga Wasiirka amniga Jubbaland kasoo saaray hub kala duwan oo halkaasi yaalay, waxaana ciidanka la sheegay in hubkaasi ay horey usii qaateen.

Saraakiil katiran ciidanka booliiska oo ku sugan degmada Doolow ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid amaanka lagu xaqiijinayay, waxa ayna saraakiisha sheegeen in howlgalka u dhacay sidii loogu tala galay.

Guriga howlgalka ka fuliyay ciidamada ayaa la sheegay in uusan joogin Cabdirashiid Janan, waxaana Wasiirka la tilmaamay in uu joogo magaalada Mandheera mararka qaarna yimaado duleedka Balad Xaawo.

Ciidamo dowlada federaalka Soomaaliya geesay gobolka Gedo ayaa la wareegay gacan ku heynta degmooyin katirsan gobolka Gedo oo horey gacanta ugu hayeen ciidamo ka amar qaata maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -