Allbanaadir.com
NEWS

Weerarkii Mareykanka ku qaaday xarunta Nukliyeeka Isfahan oo sheeko cusub laga soo wariyay

Shabakadda Fox News , ayaa ilo sirdoon ka soo xigatay in hadda la oggaaday xarunta nukliyeerka Iiraan ee ku taalla ee Isfahan, inay tahay mid ka difaac adag in ka badan xog kasta oo laga hayay.

Xaruntan, ayaa la sheegay in ay leedahay difaac ka adag midka xarunta Fordow ee buur hoosteeda ku taal, oo markii hore sirdoonka galbeedka ay ku sheegeen inay tahay xarunta ay ka socoto shaqada ugu badan ee barnaamijka nukliyeerka Iiraan, balse si taa ka duwan xarunta Isfahan , ayaa ah goob laga arkay nidaam difaac oo ka xooggan midka Fordow, waxaana bilowday in hadda la is waydiiyo ; illa heerka uu gaarsiisan yahay natiijada uu Mareykanka ku gaaray weerarkii uu saakay fuliyay.

Waxaa xusid mudan, wuxuu Mareykanka gantaalladiisa ay xambaaraan diyaaradaha B-2 ku garaacay xarunta Fordow, halka xarunta Isfahan , lagu weeraray gantaallada Tomahawk oo laga soo riday maraakiibta quusta ee Mareykanka.

Maxay tani ka dhigantahay?

Waxaa muuqata inaysan jirin xog sirdoon oo dhammeystiran oo horey looga hayay qaab dhismeeeka shaqo ee xarumaha nukliyeerka Iiraan , illaa hadda lama arag khatar ballaaran oo ay dhaliyeen weerarrada Mareykanka , balse weerarka ayaa kala doorasho adag dhexda u galinaya Iiraan ; Waxay dooran doontaa inay ka hortimaado Mareykanka oo ka dhigan inay wajahayso iska horimaad reer galbeedka iyo Israa’iil ah ama way aamusi doonta oo waxay oggolaanaysa daciifnimo weyn oo halis ku ah jiritaanka nidaamka kacaanka.

Related posts

Guddi labaad oo qaban qaabiya Doorashada Jubbaland oo la sameenayo

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo maanta safar dibadda ah u baxaya iyo xog ku aadan ujeedfka Socdaalkiisa

Cabdi Cade

Wiil 9-sanno jir hooyadiis nin ka raacday oo Go’aan adag qaatay iyo hooyada oo la heesto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---