Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Musharaxiin badan oo ku tartamaya Doorashada kursiga HOP106 (Magacyada+Sawirro)

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Hirshabelle ayaa shahaadada musharaxnimo siiyay lix musharax oo isku soo taagay in ay ku tartamaan kursiga tirsigiisu yahay HOP#106 oo lagu wado in doorashadiisa ka dhacdo magaalada Jowhar.

Kursigan oo doorashadiisa laga dhigay mid furan ayaa waxaa isku diiwaangeliyay lix musharax oo mid kamid ah haweeney tahay, waxaa sidoo kale ku jira musharaxiinta Ismaan Xaadoole oo kamid ahaa saraakiishii ciidamada Badbaado Qaran.

Doorashada kursigan oo ah mid xiiso badan ayaa la filayaa maanta ilaa caawa in ay ka dhacdo magaalada Jowhar, waxa ayna musharaxiinta wadaan olole ay codadka uga kasbanayaan ergada wax dooraneysa.

Maamulka Hirshabelle ayaa kuraasta qaar doorashadooda ka dhigay kuwa furan, halka kuraasta qaarna loo xiray musharaxiin si gaar ah loo watay , waxaana Hirshabelle noqday maamulka qabtay doorashada ugu badan ee la furan si caadi ahna loogu tartamay.

Akhriso Magayada Lixda Musharax ee ku tartamaya kursiga HOP106

1 Osman Mohmed Mohamud ( Xaadole)
2 Shadoor Haji Mohamud
3 Fowziya Sheikh Ali Mohamud
4 Bashiir Mohamed Yusuf
5 Yusuf Abdi Abdulle
6 Yaxye Abuukar Aden

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Maamulka Taliban oo codsi xasaasi ah u diray dowladaha Mareykanka iyo Yurub

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo wareegto ku Magacaabay la taliye cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Akhriso: Qodobo lagu yareyn karo saameynta abaaraha Somalia ku soo laalaabta oo la soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---