Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin Soomaali ah oo Soomaali kale ku dilay Dresden & faahfaahino ka soo baxaya

Magaalada Dresden ee dalka Jarmalka waxaa maanta oo Sabti ah gelinkii hore lagu dilay nin ka mid ah Soomaalida dalkaas ku dhaqan

Maxamed Cabdi Faarax (Abwaanka) ayaa waxaa dil bareer loogu geystay gudaha tareen ka shaqeeya magaaladaas xili uu ku sii jeeday hoygiisa

Ninka dilka geystay oo magaciisa lagu soo koobay Cawaale ayaa mindi qoorta ka geliyay marxuumka oo isla goobtaas ku qur baxay sida dad goob joogayaal ah ay warbaahinta u sheegeen.

Booliska magaalada Dresden ee dalka Jarmalka ayaa la sheegay iney gacanta ku dhigeen ninka dilka geystay, ayna wadaan baaritaano la xiriira dilkan.

Weli lama oga sababta ka dambeysay dilka uu ninkan Soomaaliga ah u geystay Soomaaliga kale, waxaana arintan si weyn u hadal haya Soomaalida ku dhaqan dalka Jarmalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax gaari rakaab siday ku qabsaday degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

DF oo dib u eegis ku sameysay heshiiskii ay kula jirtay Shirkadda Al-Bayrak (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Amaro culus oo lagu soo rogay Dugsiyada hoose, dhexe & Sare ee G/Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---