Allbanaadir.com
NEWS

Nin kufsi u geestay labo gabdhood oo yar yar oo Maxkamad lasoo taagay

Maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Nugaal ee Puntland, ayaa maanta dhegaystay kiiska nin loo heesto in kufsi arxadan dhawaan magaalada Garowe ugu geestay laba gabdhood oo aad yar yaraa.

Ninkan kufsiga lagu eedeeyay oo magaciisa lagu sheegay Sharmaarke, ayaa maxkamadda kasoo muuqday, waxaana ninkan lagu marqaati furay in uu ia dambeeyay kufsiga loo geestay labada gabdhood.

Xeer-ilaaliyaha gobolka Nugaal Cabdifatax Cismaan Aadan , ayaa sheegay in maanta ay ahayd dhegaysgii 1aad ee kiiska, isagoo xusay in eedaysane Sharma’arke lagu helay dembiyo hore oo uu geystey.

“Eedaysane Sharma’arke oo loo haysto inuu kufsaday gabdho yaryar, waxaa baarista kiiskiisa ka soo shaacbaxday inuu horay u geystey kiisas kufsiyo ah oo uu sanad iyo bar ka soo maqan yahay xabsiga dhexe ee Garoowe, waxaan soo bandhignay cadaymihii kiiska, dhegaysiga 2aadna wuxuu noqon doonaa maalinta Arbacada ah”, Ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Gobolka Nugaal Cabdifatax Cismaan Aadan.

Kufsiga ninkan u geestay labada gabdhood ee yar yar , ayaa caro badan ka abuuray magaalada Garowe, waxa ayna shacabka Puntland codsadeen in ninka kufsiga geestay la marsiiyo ciqaab adag.

Screenshot

Related posts

Magaalada Muqdisho waxaa iska leh ninkii Guri ku leh, diid ama yeel !

Cabdi Cade

Gudoomiye Degmo oo qarax lagu lagula eegtay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan la qaatay danjire Aadan Xasan Aadan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---