Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa casho sharaf ku maamuusay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland oo ka qeyb-galay gogoshii wadatashiga ahayd ee shalay ku soo gaba-gabowday Muqdisho.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Xisbiyada ka qeyb-galka kulanka Wadatashiga ah, talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska, doorashooyinka, dhammeystirka dastuurka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isaga oo xusay sida ay Xukuumadda DanQaran mudnaanta siinayso dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.
Dhankooda, masuuliyiin ka socday Xisbiyada Puntland, ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay sheegeen in dowlada Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan dadaalka ku aaddan dowlad-dhiska dalka.
Waxaa kulanka goob joog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha ee Somalia Cali Xoosh, taliyaha Booliska DF Gen. Asad Diyano iyo siyaasiyiin caan ah oo uu ka mid yahay Xasan shire Abgaal, xubnahan ayaana dhamaantood mucaarad ku ah madaxweynaha Puntland Saciid Deni.