Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Iran oo amaray in Shacabka isaga fogaadaan xarunta Dimona

Milatariga Iran, ayaa xoojiyay duqeymaha ay ku garaacayaan bartilmaameedyo muhiim ah oo kuyaalla dhulka Yahuuda maamusho, waxaana wali Iran qorsheeneysaa in weeraro culus oo gantaalo ah ku qaado xarumo muhiim ah oo kuyaalla magaalaa Tel Aviv.

War-saxaafadeed kasoo baxay ciidanka Kacaanka Iran, ayey shacabka Israa’iil ugu baaqeen in ay isaga fogaadaan oo deg deg uga guuraan aagga ay ku taallo xarunta Dimona, oo ah xarunta ugu weyn ee nukliyeerka Israa’ii.

Iran , ayaa sheegtay in xaruntan u tahay bartilmaameed muhiim ah lana qorsheenayo in la weeraro, waxa ayna shacabka degan aagga ay ku taallo xarunta Dimona la siiyay waqti ay halkaasi uga baxaan kuna badbaadsadaan noloshooda.

Israa’iil, ayaa khasaaro lixaad leh kala kulmeysa weerarada gantaalaha ee Iran u adeegsaneyso in ay ku duqeyso magaalooyin kuyaalla Israa’iil, waxaana fashilmay nidaamka difaaca Israa’iil horey ugu faani jirtay, kuwaas oo howlgab hadda ku dhaw.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo ku sugan Gaalkacyo oo Gadood sameeyay iyo midowga Yurub oo hanjabaad diray

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday Wasiirro kuwa cusubna magacaabay (Wareegto)

Cabdi Cade

Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir oo Xil ka qaadis isku diyaarinaya (Akhriso Liiska ugu horeeya)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---