Iiraan oo saaka gantaallo kooban ku weerartay Israel ayaa sheegtey inay beegsatay xarumo millateri, kuwo tiknooljiyeed iyo dhismayaasha shirkado waaweyn oo ku yaalla magaalada Beersheba, sida ay ku warranyay wakaaladda wararka Iiraan.
Booliiska Israel wuxuu xaqiijiyey dhaawaca 20 ruux iyo 30 oo kale oo shoogay & in la xiray xarunta tareennada ee Beersheba ka dib burbur gaaray.
Gantaalkii Saaka iran ay ku weerartay Israel ayaa mar kale banaanka keenay awooda gantaalada iran, waxaana Kanaalka 12 ee Israel uu saraakiisha ciidanka ka soo xigtay inay sheegeen in Gantaalkii Beersheba ku dhacay maanta uu xambaarsanaa qarax culeyskiisu gaarayo 300 kg.
Iran ayaa sidoo kale saaka waxay gantaaladeeda gaareen xaafadda Bi’ru Shacba, dhisme ka koobnaa lix dabaq oo halkaasi ku yaalay waxaa gaaray burbur kadib markii gantaalada Iran ay ku dhaceen.
Seeriga digniinta ayaa isqabsaday, waxaana shaqaalaha gurmadka deg dega ay ku mashquulsan yihiin baadigoobka dadka ku hoos jira burburka
Qaraxyo ayaa sidoo kale xalay saqdii dhexe ka dhacay bartamaha Xayfa oo ah magaalada labaad ee ugu muhiimsan Israa’iil, iyadoo aan la maqal wax digniin weerar ah ka hor qaraxyo oo u muuqda inay Iiraan weerartay bartilmameedyo ku yaal Xayfa, sida u sheegay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Israel Hayom