Wasiirrada arrimaha dibadda reer Yurub , ayaa maanta kula kulmaya magaalada Geneva wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araghchi
Waxay ka wada-hadlayaan sidii loo heli lahaa waddooyin diblomaasiyadeed oo dib loogu billaabo wada xaajoodkii nukliyeerka iyo joojinta dagaalka, iyadoo Trump uu xalay sheegay inuu sugayo kulankan la filayo inuu ka dhaco Geneva, natiijada ka soo baxda.
Lama filayo in kulankan ay ka soo baxaan go’aano lagu joojinayo weerarada ay isku hayaan Iran iyo Israel oo maalintii 8aad galay sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araghchi
“Iiraan diyaar uma aha wax wada-hadal ah oo cid kasta ay la yeelanayso, inta ay socdaan weerarrada Israa’iil” ayuu yiri Abbas Araghchi goor dhow la hadlay telefishinka Iiraan: