Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Askari katirsan ciidanka booliiska Goordhaw Dil iyo dhaawac ka geestay Muqdisho

Askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa goordhaw Isgooska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho waxa uu labo qof oo shacab ah ugu geestay dil iyo dhaawac.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askari booliiska katirsan uu rasaas ku furay mooto bajaajta oo xiligaasi Isooska Howl Wadaag ku sugneyd, waxaana mooto ku geeriyooday darawalkii waday halka uu ku dhaawacmay  nin kale oo la socday.

Askariga dilka geestay iyo ninka mooo bajaajta watay ayaa la sheegay in uu muran dhax maray, askariga ayaa muran kadib markii dambe rasaas ku furay mootada sidaasna ku dilay ninkii ay murmeen.

Waxaa dad badan isweediinayaan sababta sahlan ee askarigan katirsan ciidanka booliiska ee loogu tala galay in uu ka shaqeeyo sugida amaanka shacabka uu u dilay dadka shacabka aan waxbo galabsan.

Ciidamada dowlada ee dilalka u geesanaya dadka shacabka ah ayaa kusii badanaya magaalada Muqdisho, mana jiro talaabooyin ay qaaday dowlada oo wax looga qabanayo dilalka ciidamada amaanka u geestaan dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay tahay sababta ay Al-shabaab ciidamada dowlada u weerarto xiliga aroornimada?

Caydiid Ali

Ololaha doorashada Somaliland oo si rasmi ah u bilowday maanta iyo Xisbiga UCID oo..

Caydiid Ali

Goob Xaflad aroos ka socotay oo mar qura isku bedeshay dhiig iyo Murugo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---