Baraf iyo qabow dad ku laayey qaar ka mid ah gobolada dalka Mareykanka (Sawirro)

Qabow daran oo ku dhufatay inta badan Mareykanka ayaa sii socon doonta usbuucan, iyadoo dadka ku nool galbeedka New York ay la tacaalayaan baraf suuragalin waayey in gaadiidka gurmadka ay shaqadooda gutaan, waxaana la joojiyey duulimaadyadii oo dhan.

Barafkan ayaa ku dilay ugu yaraan 34 qof guud ahaan dalka Maraykanka, waxaana la filayaa inuu galaafto nolosha dad badan ka dib markii ay korontadii ka go’day kumanaan guryo iyo goobo ganacsiba leh.

Cimilada qabowga daran waxay ka bilaabantay harooyinka waaweyn ee u dhow Canada ilaa Rio Grande ee ku teedsan xudduudda Mexico. Qiyaastii 60% dadweynaha Maraykanka ayaa la kulmay cimilada xilliga qaboobaha.

Buffalo waxaa ku dhuftay dabaylo xoog leh oo baraf ah oo sababay xaalado adag oo curyaamiyay dadaallada wax ka qabashada degdega ah.

Guddoomiyaha New York Kathy Hochul ayaa sheegtay in gaadiidka dab-damis ah iyo kuwa gurmadka deg deg ah ee magaaladu ay awoodi waayeen iney dhaqdhaqaaq sameeyaan.

Dooxooyin baraf ah oo aad u waaweyn ayaa baabuurta dabooshay, waxaana jiray kumannaan guri, oo qaarkood barafku aasay tiiyoo ay u dheer tahay koronto la’aan.

Laba qof ayaa ku dhintay xaafadooda Cheektowaga, New York, guryahoodii Jimcihii markii shaqaalaha gurmadka degdegga ahi ay heli waayeen waqtigii loogu talagalay inay daweeyaan xaaladooda caafimaad. Madaxa fulinta ee degaanka Erie Mark Poloncarz ayaa sheegay in 10 qof oo kale ay ku dhinteen halkaasi, wuxuuna ka digay inay dhici karto inay dad kale ku dhinteen.

“Qaar ka mid ah dadka dhintay waxaa laga helay baabuurta dhexdooda, halka qaar kalena laga helay wadooyinka uu barafu daboolay” ayuu yiri Poloncarz. “Waan ognahay inay jiraan dad ku xayiran baabuurta in ka badan laba maalmood.” ayuu intaas raaciyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -