Muslimiinta Norwey oo ka carooday xayeysiis lagu faafiyey baraha bulshada

Shirkada telefonada Telia faraceeda Norway ayaa baraha bulshada sida Youtube iyo Facebook soo galisay xayeysiin cusub oo shirkadaas ay leedahay taasoo caro ku abuurtay muslimiinta ku nool dalkaas

Xayeysiintaas oo soconeyso hal daqiiqo ayaa waxaa lagu soo bandhigay muuqaal dad kala duwan, iyadoo lagu lamaaniyay hees uu qaado fanaanka Pharrell Williams oo magaceeda yahay Freedom ama xoriyad.

Muuqaal kamid ah xayeysiinta ayaa lagu soo bandhigay gabar yar oo iska diideyso inay xijaab xirato, iyadoo qeybta danbe ee xayeysiinta sidoo kale lagu soo bandhigay gabar xijaab iska tuureysa iyo mid kale oo xijaabka qaadaneysa.

Gabadha xijaabka tuureyso iyo heesta xayeysiinta la socoto ee xoriyada ka hadleysa ayaa dad badan oo xayeysiinta fikirkooda ka dhiibtay ay ka bixiyeen fasiraad ah in dumarka muslimiintu aysan xor aheyn, haddii aysan xijaabka dhigin.

Waxaa ka dhalatay arintan fal celin xoogan oo sababay in Telia loo soo diro cabashooyin aad u badan oo xayeysiintaas ku saabsan.

Telia oo ka jawaabeyso arintaas ayaa sheegtay in muuqaalkaas uu leeyahay labo micno oo qofka iyo xijaabka xoriyadiisa ka hadleya, in qofku uu xor u yahay inuu xijaabka xirto iyo in qofka uu sidoo kale xor u yahay inuu xijaabka iska dhigo.

Muslimiinta fikirkooda ka dhiibtay arintan ayaa sheegay in xayeysiintan ay tahay ka dhan ah shareecada Islaamka oo haweenka faraysa iney xijaab xirtaan oo ay asturaan jirkooda, waxayna ka dalbadeen shirkadan iney joojiso xayeysiintan.

Booliska Norway ayaa sidoo kale sheegay inay heleen wargalin ku saabsan hanjabaado loo diray shirked Telia oo xayeysiintaas la xiriirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -