Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo oo Dhagax dhigay Dib u dhis lagu sameenayo Madxafka Qaranka (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay dib u dhis balaaran oo lagu sameenayo dhismaha Madxafka Qaranka oo ku bur buray dagaaladii sukeeye.

Munaasabada uu Madaxweynaha ku dhagax dhigayay dib u dhiska xarunta Madxafka Qaranka waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale.

Dhismaha Madxafka Qaranka ayaa tan iyo bur burkii waxaa degnaa dad shacab ah oo deegaansaday, waxaana dhawaan dowlada federaalka Soomaaliya ku guuleesatay in dhismahaasi laga saaro shacabkii degnaa.

Madxafka Qaranka Soomaaliya ayaa kamid ah xarumaha lagu dhisayo barnaamijka is-xilqaan, waxaana la filayaa in si rasmi ah u bilowdo dhismaha xaruntan muhiimka u ah qaranka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso Magacyada Xildhibaanada Saxiixay Mooshinka laga gudbiyay Jawaari

Cabdi Cade

Shirkado ka howgala degaanada Hirshabelle oo shaqo joojin lagu sameeyey (Sababta)

Caydiid Ali

Saldhig Shabaab ku lahaayeen Hiiraan oo cagta la mariyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---