Xildhibaano tiro badan oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixay mooshin kalsoonida lagala noqonayo Gudoomiyaha Baralamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Shabakada Allbanaadir ayaa heshay magacyada iyo saxiixyada 193-Xildhibaan oo kamid ah Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Gudoomiye Jawaari, waxa ayna Xildhibaanadan Gudoomiyaha ku eedeeyeen xil gudasho la’aan iyo arimo kale.
Kulan maanta la filayay in ay yeeshana Xildhibaanada Baarlamaanka ugana doodaan mooshinka laga gudbiyay Gudoomiye Jawaari ayaa baaqday kadib markii Madaxweyne Farmaajo codsaday in kulanka maanta dib loo dhigo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com