Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Muqdisho oo xiray Saabir Cabdi Xasan oo ku eedeysan..

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Wadajir oo kaashanaya xubno kamid ah Shacabka Dagmada ayaa soo xiray eedeysane, Saabir Cabdi Xasan 18 jir ah

Ninkan dhalinyarada ah ayaa  ku eedeysan inuu ku kacay Falal Anshax-Xumo ah, oo liddi ku ah diinteena suuban, asaga oo ku dhex sugan beedka illaheey sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Booliska DF.

Saabir Cabdi Xasan ayaa ka soo muuqday muuqaal laga baahiyey baraha bulshada isagoo ku sugan masdjidka Cali Jimcaale isla markaana muujinaya cowradisa hoose taasoo ka careysiisay dad badan.

Booliska ma sheegin talaabada laga qaadi doono xariga ka dib falka anshax xumada ah ee uu ku kacay Saabir Cabdi Xasan.

“Muwaadin hadii aad la kulanto ama ay kusoo gaarto falal amaanka liddi ku ah la soo xiriir xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji banadir@police.g.v.so” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka Booliska.

Related posts

Dagaal xadka Belad-xaawo ku dhexmaray Ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa Kenya

Caydiid Ali

(Akhriso) C/wali Gaas oo xil labaad u magacaabay S/Gaas Cabdirisaaq Siciid Diiriye

Caydiid Ali

Nin dhowr jeer gubay Kutaabka Qur’aanka oo toogasho lagu dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---