Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dib u dhis iyo Casriyeyn lagu sameenayo Xarun Degmo oo kutaala Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho taasi oo dib u dhis balaaran lagu sameyn doonno.
 
Dhagax-dhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis, Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shacabka Degmada Cabdicasiis.
 
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dib-u-dhiska Balaaran ee lagu sameenayo Xarunta Degmada Cabdicasiis ay qeyb ka tahay Mashaariicda dib-u-dhis ee Maamulka Gobolka Banaadir ka fulinayo xarumaha danta guud ee loogu adeego Bulshada Caasimada, Asigoona kula dar-daarmay in shacabka ay ilaashadaan goobaha danta guud ee dib-u-dhiska lagu sameeyay.
 
Horey ayuu Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-dhisyo balaaran ku sameeyay Dhowr Xarumood oo ka tirsan 17 Degmo ee Gobolka Banaadir iyadoona Qorshaha Maamulka uu yahay sidii loo tayeyn lahaa Xarumaha loogu adeego shacabka si bulshada ay u helaan adeegyadii ay u baahnaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/D3TIgY4PDkQ

Related posts

Pakistan oo Weerar aargudasho ah ka fulisay gudaha Iran iyo Xiisada oo kasii dartay

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalka ka socda Sudan oo sii xoogeestay iyo Qaraxyo la maqlayo

Cabdi Cade

Faahfaahin:-Dhismihii kufsiga & dilka loogu geystay Xamdi oo la weeraray & Shirkii Muqdisho oo…

admin
Taboola Ads ---