Allbanaadir.com
NEWS

Uganda oo Shaacisay in Al Shabaab nolosha ku qabteen qaar kamid ah askartooda

Dowladda Uganda ayaa xaqiijisay in kooxda Al Shabaab nolosha ku qabteen qaar kamid ah askartooda nabad ilaalinta u joogay Soomaaliya, kaddib weerarkii xooganaa ee Jimcihii ku qaadeen saldhigooda oo kuyaalla Buulamareer .

Afhayeen ciidanka dalka Uganda, Felix Kulaigye ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay jiraan askar katirsanaa ciidankooda oo Al Shabaab noloshooda ku qabteen, waxa uuna afhayeenka ka gaabsaday in uu shaaciyo tirada askarta nolosha looga qabsaday.

Waxa uu sheegay afhayeenka in uusan ka hadlin karin tirada askarta u gacan gashay Al Shabaab iyo kuwa la dilay, waxa uuna xusay in koox baarayaal ah loo diray Soomaaliya, si ay usoo ogaadaan xaqiiqada jirta iyo sida ay wax u dhaceen.

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musevani ayaa horey u sheegay in ciidamada Uganda aysan sameyn is difaacis ayna argagaxeen markii uu weerarka ku biloowday, waxa uuna xusay in Al Shabaab gubeen taangiyo iyo hub kale oo culus ay lahaayeen ciidamada.

Al Shabaab ayaa horey usoo bandhigtay sawirrada askar katirsan ATMIS gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Uganda ay nolosha ku qabteen, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in ay weerarka ku dileen in ka badan 137 askari oo katirsanaa ciidamada Uganda kasoo jeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada : Xudur oo looga diyaar garoobay soo dhaweynta Ra’isul Wasaare Kheyre

Cabdi Cade

Taliye Sulub Axmed Firin oo u Mahadceliyay Saraakiil ka socotay Turkiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyay Howlgalo adag oo saakay ka socda degmada Afgooye

Cabdi Cade
Taboola Ads ---