Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo War kulul ka soo saartay qaraxii lagu riiqmay ee ka dhacay Peshawar

Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay qaraxii dhimashada badnaa ee 30-kii bishii Janaayo ka dhacay Masjid ku yaalla magaalada Peshawar ee dalka Pakistan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si weyn u cambaareyneyso falalkan dambiyada ah iyo inay si joogto ah u diidan tahay dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada ee looga gol leeyahay in lagu waxyeeleeyo amniga iyo xasilloonida, kuwaasoo ka horimanaya qiyamka iyo mabaadii’da aadanaha.

Wasaaradda ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo dadka Pakistan ay ehelkooda ku waayey qaraxyada, ayada soo kabasho deg deg ah u rajeysay dhaawacyada.

Qaraxaasi, oo uu fuliyey qof ismiidaamiyey, ayaa wxaaa ku dhintay ugu yaraan 101 qof, ayada oo 225 kale ay ku dhaawacmeen. Dhibanayaasha ayaa badankood ahaa saraakiil boolis.

Weerarka Peshawar ayaa ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca magaalada oo ku taalla meel 20 km u jirta xuduudda Afghanistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo ku dhawaaqaya Liiska Guddiyada Doorashada iyo Xalinta Khilaafaadka

Cabdi Cade

Xog Cusub oo laga helay Dilkii Gudoomiyihii Hodan iyo Dabin loo Dhigay Axmed Madoobe iyo ..

Cabdi Cade

Kalfadhiga 1-aad ee Gollaha Shacabka oo goordhaw Furmay iyo Ajandayaasha looga hadlayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---