Shirkii sannadlaha Hay’adda Himilo oo lagu qabtay Magaalada Amsterdam [SAWIRRO]

Kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabisay hay’add Himilo, ayna ka soo qeybgalaan jaaliyadda Soomaalida ayaa lagu qabtay xafiiska hay’addaasi ku leedahay Magaalada Magaalada Amsterdam ee dalka Nederlands.

Kulankan,  oo ahaa  sannadle waxaa ugu horreyn ka hadlay C/kariin Maxamuud & Cali Xassan Maxamed (Cali Istiila) oo ka tirsan madaxda Himilo, waxaanna ay  warbixin guud ka siiyeen xubnaha jaaliyada  waxyaabihii u qabsoomay 2-dii sanno ee la soo dhaafay, iyaga oo soo bandhigay shax-xisaabeed  tifaftiran oo muujineysa daqligii lagu aruuriyey dadka xubnaha ka ah hay’adda iyo shaqooyinkii lagu qabtay; sidoo kale, waxeey soo bandhigeen deeqihii hay’addu heshay & sidii loo maareeyey oo ay ku jiraan tababaro & siminaaro loo qabtay dadyow kala duwan oo u badan jaaliyadda.

“Shaqooyinkii inoo qabsoomay 2dii sanno ee u dambeeyey waxeey muujinayeen guulaha wax ku oolka ah ee ay Himilo ku tillaabsatay; guulahaasi mira-dhal ma noqon laheyn idinka la’aantiin, waxaanna magaalooyinka Amsterdam & Beverwijk ku qabanay barnaamjiyo dhowr ah oo waxtar u yeeshay dadkii ka soo qeybgalay waxaanna ka mid ah barnaamijkii “Men speak out” oo soconayey dhowr billood, barnaamijkaas   oo ay ka faaideysteen aabayaal fara badan” ayuu yiri guddoomiyaha Himilo Cali Istiila, wuxuuna intaasi raaciyey in Himilo ay ka soo muuqatay fagaarayaal caalami ah oo ay ku meteleysay magaca Soomaali.

“Waxaan tababar & xarun ay ku kulmaan u sameynay Soomaalida degan Beverwijk & Heemskerk, taa waxaa ka faa’ideystay qoysas fara badan oo Soomaaliyeed oo fursad u helay in ay ku kulmaan, caruurtana loogu baro dhaqanka & diinta, haddii aysan hay’addu heli laheyn “contribution” ka aad siiseen howlahaasi baaxada leh ma aysan qabateen” Ayuu yiri Istiila, isaga oo u mahad celiyey Sahro Naaleeye oo ka mid ah hormuudka Soomaalida ku dhaqan Holland,  oo uu ku ammaanay sida ay isu garab taagtay Himilo.

C/kariin Maxamuud oo udub-dhexaad u ah Himilo ayaa ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen dadka xubnaha ka ah Himilo, isaga oo sheegay in kaalinta Himilo ey tahay mid “national level’ ah ayna Soomaalida ku metesho

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -