Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo hoos u dhigtay Kaalinta beesha Caalamka

Dowladda Soomaaliya ayaa durtay sharciyadda kaalinta Xubnaha Beesha Caalamka ee loo yaqaano C6+ ee Arrimaha gudaha Soomaaliya, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Warqadan oo lagu socodsiiyay James Swan ayaa waxaa lagu sheegay in kaalinta C6+ billowgeedii hore loogu tala galay marxaladii ay Soomaalita ku jirtay xilligii KMG oo hey’adaha dowladduna ay curdun ahaayeen, balse hadda oo dowladnimadu ay si dhameystiran u shaqeyneyso aanay jirin sabab ay Beesha Caalamku kaalin toos ah ugu yeeshaan siyaasadda gudaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay C6+ inuu yahay qaab dhismeed laga guuray oo ujeedadii markii hore loo sameeyay aysan hadda jirin, waxayna ugu baaqday saaxibadda Beesha Caalamka inay Soomaaliya kula xiriiraan qaababka la isla oggol yahay oo ay u soo maraan hey’adaha sharciga ah.

Related posts

Digniin laga bixinayo duulaanka Israel ku gashay Lubnan

Caydiid Ali

War deg deg ah: Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukaama

Caydiid Ali

Xulka Qaranka Somalia oo guul taariikhi ah ka soo hoyey tartanka CECAFA (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---