Fartuun Max’ed “Maamul Jaaliyad sidiisaba ma ahan meel manfac & dan laga raadiyo”

Fartuun Maxamed  waxay ka mid tahay gabdhaha ugu firfircoon ee jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Zwolle, ee dalka Nederlands.

Waraysi la la yeeshay Fartuun waxay kaga hadashay arrimo dhowr ah oo quseeya  xaaladda jaaliyadu ku sugan tahay, waxeyna baaq ay u jeedisay xubnaha jaaliyada kaga codsatay in ay ka shaqeeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa midnimadii & wadajirkii ay jaaliyadu caanka ku ahayd.

“Jaaliyadu intii muddo ahayd waxay u kala qaybsanayd 2 daraf, guddi uu madax u yahay C/qaadir Nuune & guddi uu hogaamiyo Axmed Hayaan,  waxaan ka mid ahay dadka dhibsaday kala qaybsanaanta jaaliyada, waxaa la jooga waqtigii caqligu shaqeyn lahaa, lana garowsan lahaa in kooxeysiga aan meel lagu gaari karin, loona baahan yahay midnimo & wadajir si kor loogu qaado magaca jaaliyada” Ayeey tiri Fartuun Maxamed, waxayna intaasi raacisay in dad ay ka mid tahay ay ku wareersan yihiin kala qaybsanaanta jaaliyada.

“Jaaliyad sideedaba ma ahan meel manfac & dan laga raadiyo,  waxaa loogu qidmeeyaa mushtamaca, oo lagu ilaaliyaa xuquuqdooda, waxaana meel ay ku soo hirtaan hooyooyinka & caruurta, waxaan ka codsanayaa 2 guddi in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa hal urur ama hay’ad oo ay jaaliyadu ku mideysan tahay” Ayeeytiri Fartuun, waxayna intaasi raacisay in aysan garanayn 2 guddi mid ay raacdo.

Fartuun waxaa kale oo ay  sheegtay in koox haween ah oo ka tirsan jaaliyada ah, ay ku wada jireen “Whatsupp group” ayna halkaasi ku kala war-qaadan jireen, hasse ahaatee laga tuuray group-ka, markii sida ay sheegtay lagu tuhmay in ay guddiga kale ka tirsan tahay, waxayna taasi ku tilmaantay hab dhaqanka ka tarjumaya rabitaan shaqsi ah.

“Gabdhaha Zwolle & nawaaxigeeda degan waxay ahaayeen gabdho isku xiran, ayna ka go’an tahay in ay ka tashadaan aayahooda, anigu fikirkayga xor ayaan u ahay, codkaygana ciddaan doono ayaan siinayaa, waxaanse caddeynayaa in 2da koox ee isku haysata hogaanka jaaliyada in aan midna taageersanayn, anigu waxaan taageersanahay Soomaalida wada socota oo mideysan” Ayeey tiri Fartuun, waxayna intaasi raacisay in ay mahad gaar ah u hayso Guddiga uu madaxda ka yahay Hayaan, oo caruurta Soomaalida ah ka caawiya “huiswerkbegeleiding”

“Wiilkeyga, ayaa mar mar geeyaa dugsiga si loogu caawiyo casharada iskuulka” Ayeey tiri Fartuun, waxayna intaasi ku dartay in ugu baaqayso waxgaradka Soomaaliyeed ee degan Zwolle & nawaaxigeeda in ay ka shaqeeyaan sidii ay isugu keeni lahaayeen guddiyada kala qaybsan ee jaaliyadda.

- Advertisement -