Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dil loo geestay Cabdi Juusto iyo Sababtii ay u dileen

Al Shabaab ayaa wali qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ka wada dilalka ay u geesanayaan raga ay ku eedeeyeen in ay ka ganac-sadaan maan-dooriyaha iyo sidoo kale dhallinyarada ciyaal weerada katirsan.

Rag hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xaafada Towfiiq ee degmada Yaqshiid ku dilay nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabayay Cabdi Juusto, kaa oo ay Al Shabaab ku eedeeyeen in uu iibinayay waxyaabaha maanka-dooriya .

Al Shabaab ayaana sheegatay masuuliyada dilka loo geestay ninkan, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in uu kamid ahaa raga ka ganacsada waxyaabaha maanka-dooriya, iyagoona tilmaamay in ay bur buriyeen goob uu ku iibinayay maan-dooriyaha.

Weerarada Al Shabaab ku beegsanayaan dadka ay ku eedeeyeen iibinta maan -dooriyaha iyo ciyaalka weerada ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhay, waxaana Al Shabaab siyaabo kala duwan Muqdisho iyo duleedkeeda ugu dileen rag badan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diyaarado ay la socdaan Ciidamo Koofiyo Cas iyo wafdi kale oo gaaray Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Wiil 8-sano jir ah oo ku biiraya Jaamacad iyo Sabab cajiib ah oo keentay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Xasan oo Maamuusay Isimada Sool & Sanaag, kana hadlay baaqii QM

Cabdi Cade
Taboola Ads ---