Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo iyo wafdigiisa oo maanta ku sii jeeda degmada Hobyo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa maanta inuu gaaro Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Safarka Madaxweynaha uu ku tagayo Magaalada Hobyo ayaa la xiriira dhagax dhiga dhismaha Dekadda magaalada Hobyo oo maamulka Galmudug ay si wayn u daneynayaan.

Wafdi Xildhibaano iyo Senetaro isugu jira ayaa gaaray maalin kahor Magaalada Hobyo si ay halkaasi ugu sii diyaariyaan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa loo sameynayo.

Amaanka degmada Hobyo ayaa si weyn loo adkeeyey maanta iyadoo qaban-qaabo iyo diyaar loogu jiro soo dhoweynta madaxweynaha laga dareemayo degmadaas.

Farmaajo oo safar dheer ku maray magaalooyin iyo degaano badan oo ka tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa marka uu dhameysto booqashadiisa hobyo waxaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo codsi ka dhan ah dowladda Soomaaliya u dirtay Deeq bixiyaasha Caalamka

Cabdi Cade

Nin Caan ah oo hal kaluun ku iibsaday lacag ku dhaw 2-Milyan oo Dollar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dhaqaatiir Ajnabi ah oo Isbitaalka Jaziira kawada Daaweynta iyo Qaliinada Lafaha iyo Sinaha

Cabdi Cade