Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin Toorey ku hubeesan oo dad badan ku laayay magaalo kutaalo Shiinaha

Weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhasheen khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay magaalo lagu magacaabo Kaiyuan, oo katirsan gobolka Liaoning ee dalka Shiinaha.

Nin toorey ku hubeesan ayaana weeraray goob ay ku sugnaayeen dad badan, waxaana la xaqiijiyay in ninkaasi weerarka tooreyda uu u adeegsaday ku dilay 7 qof halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Ciidamada booliiska Shiinaha oo gaaray goobta uu weerarku ka dhacay ayaa ku guuleestay in ay gacanta ku dhigaan ninkii weerarka geestay, walina lama oga sababta weerarkan uu salka ku hayo iyo shaqsiyada ninka fuliyay.

Weerarkan ka dhacay dalka Shiinaha ayaa dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay waxaa ku jira sargaal booliis oo isku dayay in uu kahor tago ninka weerarka geestay, waxaana dadka lagu dilay weerarka ku mid ah haween iyo dhalinyaro.

Dalka Shiinaha waxaa inta badan looga baran in ay ka dhacaan weerarada nuucaan ah, waxaana weerarada tooreyda loo adeegsado fuliya inta badan dad la sheegay in dhimirka ka xanuunsan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sarakiisha Boliiska Muqdisho oo ka hadlay shil argagax leh oo ka dhacay isgoyska Jubba

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Xamza oo labo qodob oo Muhiim ah kala hadlay Culimada (Sawirro)

Caydiid Ali

Xisbiga Jamhuuriga oo gaaray guul hoos u dhigeysa awoodaha Madaxweyne Biden

Caydiid Ali
Taboola Ads ---