Madaxweyne Qoor Qoor oo Kulan muhiim ah la qaatay Bulshada ku dhaqan Guriceel (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa Degmada Guriceel kulan kula qaatay maamulka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.
 
Madaxweynaha iyo bulshada magaalada Guriceel qeybahooda kala duwan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud iyo amniga ee magaaladaasi oo ay ka dhaceen dagaalo dhiig badan ku daateen .
 
Qoor Qoor ayaa soo dhaweeyay talo jeedinta bulshada Guriceel, asagoona ku ammaanay garab istaagga ay u muujiyeen geeddi socodka nabadda, dowladnimada iyo midnimada reer Galmudug.
 
 
Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaana maanta gaaray magaalada Guriceel oo ay ka dhaceen dagaal socday mudo afar maalin ah, waxaana dagaalkaasi ku dhintay dad ku dhaw 100-qof ay ku jiraan saraakiil ciidan iyo waliba dad shacab ah.
- Advertisement -