Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa degmada Baxdo kula oogay Salaadda Ciidda Carrafo boqolaal ka mid ah shacabka magaalada, masuuliyiin iyo howlwadeennno ka tirsan hay’adaha Dowladda Galmudug.
Madaxweynaha ayaa Khudbad uu jeediyay Salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta caalamka, gaar ahaan shacabka Galmudug iyo dadka Soomaaliyeed munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxa, isagoo ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka wax uu ugu yeeray nabad-diidka, horumarinta dalka, garab istaagga Ciidammada iyo u gargaaridda dadka danyarta ah.