Allbanaadir.com
NEWS

Ciro oo shacabka Hargeysa kala qeyb galay Salaada Ciida (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed CabdillaahiCirro, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda ciidal Adxaha.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan iyo saraakiil ayaa shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa, waxana uu shacabka u jeediyey khudbad, ayaa guud ahaan  bulshada islaamka iyo gaar ahaan bulshada reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda farxadda Ciidda, waxana uu Eebbe uga rajeeyey inuu ciiddan ciiddeeda ku gaarsiiyo Barwaaqo iyo nabad qab.

Madaxweynaha Somaliland, waxaa uu guud ahaan ummadda Islaamka Ilaahay uga baryey inuu haybaddii iyo karaamadii uu lahaa dib ugu soo celiyo

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo shacabka la hadlay, ayaa ugu baaqay inay dhexdooda isu naxariistaan, is caawiyaan, isku duubni iyo wada-jirna kaga baxaan xaaladda abaarta.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo Lafta Gareen oo Qorshayaal isla dejiyay iyo Xuud oo u dhaartay …

Cabdi Cade

Hormuud oo deeq isugu jirta lacag, Raashin & Shidaal gaarsiisay Isbitaalada Danta Guud (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin caan ah oo ka falceliyey go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---