Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Masuul dhawaan iska casilay xil uu ka hayay Puntland oo xabsi la dhigay

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee xarunta Maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada Puntland maanta magaaladaasi ku xireen Guddoomiyihii hore ee gobolka Sool ee Puntland Abukar Cabdi Geelle.

Masuulkan magaalada Garawe lagu xiray ayaa maalmo kahor iska casilay xilka Gudoomiyaha gobolka Sool , waxa uuna sababaha is casilaadiisa ku sheegay in ay ku timid arimo isaga u gaar ah.

Sida aan Wararka ku helany xariga Abukar Cabdi Geelle ayaa salka ku haya eedeymo uu u barta Facebooka ku leeyahay ugu jeediyay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Puntland Cabdiweli Gaas.

Maamulka Puntland ayaan wali wax war ah kasoo saarin xariga maanta magaalada Garawe loogu geestay Gudoomiyihii hore ee gobolka Sool, xariga masuulkan ayaana kusoo aadeysa xili maalmo kadib la filayo in Garawe ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbiga Himilo Qaran oo si kulul u difaacay cabashada Ganacsatada

Caydiid Ali

Weerar dhinaca cirka ah oo lagu qaaday goobo ay ku sugnaayeen kooxda Al Shabaab

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo kulan sagootin ah la qaatay Mohamed Al Hammadi (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---