Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo dhaliilay hannaanka loo maareeyey Gogosha uu fidiyay Madaxweynaha

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) , ayaa dhaliilay hannaanka loo maareeyey Gogosha Wadatashiga ee uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay 1-dii bishan Juun.

Farmaajo , ayaa sheegay in cidda lagu martiqaaday iyo ajandaha guud ee la tilmaamay ee gogosha , intuba  ay muujinayaan in madaxweynuhu uu wali ka leexanayo inuu si dhab ah u wajaho xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo culeyska ay leeyihiin arrimaha masiiriga ah ee khilaafaadku ka taagan yihiin.

”Sida aan marar badan ku talinnay arrimaha heshiiska siyaasadeed u baahan ee taabanaya masiirka shacabka Soomaaliyeed iyo nidaamka dowladnimada dalka waa mas’uuliyad wadareed ay tahay in talo-wadaag ay ka yeeshaan dhammaan heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, si loo ilaaliyo midnimada dalka iyo wax wada-lahaanshaha dadka Soomaaliyeed, waxaase muuqata inuusan Madaxweynuhu wali garowsan arrintaas, uuna ku socdo siyasaasadda ku dhisan cidna loo joojin maayo” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo ayaa sheegay in Madaxweynuhu  uu u jihaystay dhabbe dalka gelinaysa qalalaase hor leh, waxaana taas marag uga dhigay hannaanka marti-qaadka Madaxweynaha oo ah mid aan ka jawaabayn arrimaha udub-dhexaadka u ah khilaafka taagan ee ay ugu waawayn yihiin wax-ka-beddelka dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, isaga oo hadda qorshaynaya wax-ka-beddel horleh oo sharci darro ah oo uu ku sameeyo 11-kii cutub ee ka badqabay dastuurkii heshiiska lagu ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay xiliga dib loo furayo iskuulada & Jaamacadaha dalka

Caydiid Ali

Madaxweyne Emmanuel Macron oo albaabada u furay in Falastiin loo aqoonsado Dowlad

Cabdi Cade

Qarax weyn oo ka dhacay Masjid iyo dad uu ku jiro imaamkii oo ku naf waayey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---