Dowlada Somalia oo shaacisay xiliga dib loo furayo iskuulada & Jaamacadaha dalka

Dowlada federaalka Somalia ayaa goor dhow shaacisay xiliga dib loo furayo iskuulada iyo jaamacadaha dalka oo xirnaa bilihii la soo dhaafay sababo la xiriira cabsi laga qabay faafida cudurka COVID-19.

Wasiirka waxbarashada Somalia C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ka dib kulan maanta ka dhacay Muqdisho lagu go’aamiyey xiliga la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare iyo waliba xiliga dib loo furayo iskuulada iyo jaamacadaha dalka

“La tashiyo dheer keddib, isla markaana laga faa’ideysanayo dib-u-furista duulimaadyada gudaha, waxaan isla garannay dhammaan bah-wadaagta waxbarashada in bulshada Soomaaliyeed aan u soo bandhigno qodobbadii kasoo baxay kulamadii aan yeelannay. Waxaan ardayda Soomaaliyeed ee madaalayaasha ah uga mahadcelinayaa sida qaddarinta iyo qiimaha leh oo ay ugu sabreen duruufaha adag ee nagu hareereysnaa” ayuu yiri wasiirka Goodax oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Wasaarada oo lagu shaaciyey xiliga imtixaanaadka shahaadiga ah iyo dib u furida iskuulada iyo jaamacadaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -