Allbanaadir.com
NEWS

Hub, rasaas iyo Drones laga qabsaday Daacish oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa maanta gacanta ku dhigay soona bandhigay hub, rasaas iyo diyaarado yar yar oo drone ah oo ay lahaayeen kooxda Daacish, kuwaa oo isaga cararay goobo ay kaga sugnaayeen buuraha Calmiskaad.

Ciidamada Puntland, ayaa sidoo kale kala wareegey kooxda Daacish deegaannada Buurta Buurgaal, ceelka Dacar, ceelka Sadow iyo dhariinya garooba, kuwaas oo dhammaantood ku teedsan togga Baallade ee buuraha Calmiskaad.

Saraakiisha ciidamada difaaca Puntland, ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada fuliyeen khasaaro badan lagu gaarsiiyay kooxda Daacish , sidoo kale laga saaray deegaanno badan oo kooxda saldhigyo ku lahaayeen.

Ciidamada Puntland, ayaa hadda isku diyaarinaya in ay bilaabaan howlgallo lagu soo afjarayo kooxda Daacish ee wali ku sugan qeybo kamid ah buuraha Calmiskaad , waxa ayna Daacish xilligan wajahayaan xaalad adag , iyaga oo la kulmaya weeraro cir iyo dhul ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masar & Turkey oo shaaciyey hadal ka farxiyey Dowlada Somalia

Caydiid Ali

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku toogtay nin hubeesan oo Miino aasayay

Cabdi Cade

Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Africa oo is-casilaya iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---