Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Emmanuel Macron oo albaabada u furay in Falastiin loo aqoonsado Dowlad

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa shaaciyay hadal ay si weyn ugu riyaaqeen una soo dhaweeyeen shacabka reer Falastiin, oo muddo dheer raadinayay in ay noqdaan dowlad rasmi ah oo la aqoonsado.

Emmanuel Macron ayaa si rasmi ah u shaaciyay in hadda kaddib aysan aqoonsiga Falastiin mamnuuc ka aheyn dalka Faransiiska, isagoona caddeeyay in dowladiisa ay go’aan ka gaari karto haddii ay Israa’iil diido dedaalada lagu doonayo in lagu helo labada dowlad.

”Aqoonsiga Faransiiska ee hal dhinac ah wax badan kama beddeli doono xaaladda dhulka iyada oo aan la helin wada xaajood dhab ah, laakiin waxay miisaan culus leedahay marka la eego mowqif iyo diblomaasiyad ahaanba” ayuu yiri madaxweyne Macron.

Ra’isul Wasaaraha Yahuuda Israa’iil ayaa horey u shaaciyay in ay kasoo horjeedaan in Falastiin dowlad loo aqoonsado, waxa uuna si cad u diiday in Falastiin madax-banaani hesho  ayna noqdaan dowlad la aqoonsan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh Maxamuud oo soo bandhigay Fashilka heesta Madaxweyne Farmaajo !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Baaq muhiim ah u diray shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Al Shabaab oo beenisay War lagu qoray Wargeyska caanka ah ee La Repubblica

Cabdi Cade
Taboola Ads ---