Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo gadoodsan oo saakay xirtay Waddo muhiim ah fariina soo diray

Cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan, ayaa saaka laamiga dheer ka xirtay inta u dhexaysa degaannada Karin iyo Laag ee gobolka Bari.

Ciidamadan oo fadhigoodu ahaa Taliska Balli-Khadar ee buuraha Galgala , ayaa ka cabanaya in ka badan lix bilood oo mushaar la’aan ah, sidan ka xiganay saraakiil hoggaaminaya ciidankaasi gadoodsan oo xannibay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee laamiga dheer.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidankan gadoodsan ayaa sheegay in aysan bannayn doonin jidka laamiga ah oo ay ku xannibeen gaadiidkii dadweynaha, ilaa laga siinayo xuquuqda iyo mushaarka ka maqan in ka badan lix bilood, taasi oo keentay gadoodkooda.

Ciidamada maamulka Puntlans, ayaa marar badan sameeyay gadood , waxa ayna ciidamada inta badan ka cawday mushaar la, aan, xilli xaalado adag soo wajahdo ciidankaasi.

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo ku dhawaaqay 5-Kursi oo katirsan Golaha Shacabka oo la dooranayo

Cabdi Cade

Dal Afrikan ah oo taageeray Go’aankii Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus

admin

Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la qaatay Xildhibaan Ismail Ali Mohamed (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---