Donald Trump ayaa saxiixay go’aan uu ku mamnuucayo in ay u safraan Mareykanka muwaadiniinta 12 wadan, sababo la xiriira khataraha amniga qaranka, sida uu sheegay Aqalka Cad.
Waddamadan ayaa kala ah Afghanistan, Myanmar, Chad, Jamhuuriyadda Dimuqradaiga ee Congo, Equatorial Guinea, Eritrea, Haiti, Iran, Libya, Somalia, Sudan, iyo Yemen.
Maamulka Trump ayaa sidoo kale xayiraado qayb ahaan ah ku soo rogay muwaadiniinta toddoba dal oo kale kuwaas oo kala ah, Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan, iyo Venezuela. Dadka u safraya Mareykanka waxay la kulmi doonaan baaritaanno amni oo adag ama waxaa laga yaabaa in gebi ahaanba loo diido gelitaanka Mareykanka, marka laga reebo xaalado gaar ah oo xaddidan.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Aqalka Cad, go’aanka cusub wuxuu si rasmi ah u dhaqan geli doonaa maalinta Isniinta ah ee 9-ka bishaan June.
Afhayeenka Aqalka Cad Abigail Jackson ayaa tiri xalay iyada oo ka jawaabaysa soo saarista xayiraadahaas, “Madaxweyne Trump waxa uu oofiyay ballan-qaadkiisii ​​ahaa in uu Maraykanka ka ilaalinayo wakiilada ajnabiga ah iyo kuwa dalkan soo gala si ay noo dhibaateeyaan.”
Aqalka Cad ayaa sheegay in go’ankani “uu ka ilaalin doono Maraykankawax uu ku sheegay canaasiirta shisheeye ee khatarta ah”.
Muuqaalka uu ku shaacinayay xayiraadda cusub ee socdaalka, Trump waxa uu ku sheegay in ay dhaceen “Weeraro Argagixiso oo midba midka kale ka dambeeyay” oo ay fuliyeen “dad haysta dal-ku-galka Mareykanka oo ka yimid meelo khatar ah”.
Wuxuu ku eedeeyay Biden “siyaasadaha albaabka furan” waxa uu ugu yeeray “malaayiin sharci-darro ah” gudaha Mareykanka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Maraykanku aanu ka yeelan karin “soo galooiti furan waddan kasta oo aannaan hubin karin ammaanka kuwa doonaya inay galaan”.
Go’aankan ayaa daba socda amar ka soo baxay Trump mudda xileedkiisii hore ee 2017-kii, markaasi oo uu ku dhawaaqay mamnuucida socdaalka 7 wadan oo Muslimiin u badanaa inay soo galaan Mareykanka.
Arrintaan dad badan la yaab kuma noqon sababtoo ah horey ayuuba u sameyay mid la mid ah tallaabadaan uu dalkiisa uga mamnuucayo dad uu ku sheegay in ay ka soo jeedaan dalal khataro badan ka jiraan.
Go’aankan ayaa yimid kadib weerar lagu qaaday isu soo bax lagu taageerayay Israa’iil oo ka dhacay magaalada Boulder ee gobolka Colorado Axadii lasoo dhaafay.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa ku eedeeyay nin lagu magacaabo Maxamed Sabry Suleiman inuu weerary dad ku sugnaa xaflad ay dhiganayeen dadka Yahuudda ah.
Sida laga soo xigtay waaxda amniga gudaha, Suleymaan waxa uu dalka Maraykanka ku galay fiisaha dalxiiska sannadkii 2022-kii, ka dibna waxa uu dalbaday magan-gelyo, balse waxa uu dalka ku sugnaa isaga oo uu fiisihiisii ​​dhacay.
Dadka aaney saameyn doonin mamnuucidda
Marka loo eego amarkn cusub, waxaa jira dad ka soo jeeda dalalkaan oo laga yaabo inay weli awoodaan inay galaan Mareykanka.
Waxaa dadkaasi ka mid ah ciyaartoyda u safraya ciyaaraha isboortiga ee waaweyn, sida Koobka Adduunka ama Olombikada.
Dadka haysta “fiisaha soogalootiga ee qowmiyadaha iyo diimaha laga tirada badan yahay ee wajahaya cadaadiska dalka Iran”.
sidoo kale dadka u dhashay Afgaanistaan ​​ee haysta dal ku galka soogalootiga gaarka ah ayaa iyaguna ka mid ah kuwa aaney arrintaani saameyn doonin.
Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ah ayaa si degdeg ah u muujiya sida ay uga xun yihiin mamnuucida safar ee uu Trump ku soo rogay dalalkan.
“Mamnuuciddan, dalalka Muslimiinta ee Trump, waxay kaliya naga go’doomin doontaa masraxa adduunka,” waxaa sidaasi qoraal ay soo saartay ku sheegtay Pramila Jayapal, oo ka tirsan Aqalka Congress Washington.
Source Bbc