Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo xero milatari booqday amaana u jeediyay ciidanka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaarie ayaa maanta kormeer ku tagay xerada Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan qeybta 21aad ee kutaala duleedka magaalada Dhusamareeb.
 
Qoor Qoor  ayaa bogaadiyay howlgalada Ciidamada xooga ay dhawaan ka fuliyeen deegaanada Galmudug kuna booriyay inay sii laba jibaaraan, gaar ahaan xiligaan xasaasiga ah ee loo diyaar garoobayo doorashada dalka.
Madaxweynaha Galmudug ayaana ciidamada u sheegay in ay u diyaar garoobaan xureynta deegaanada ma maqan gacanta maamulka Galmudug iyo sidii ay u xaqiijin lahaayeen amaanka deegaanada uu maamulka gacanta ku hayo.
Magaalada Dhuusomareeb ayaa amaankeeda si weyn loo adkeenayaa , waxaana la filayaa in dhawaan magaaladaasi ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada labaqa aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Video:-Xagee ku danbeeyay Yusuf Dabageed & Wararkiii ugu danbeeyay Dagaalkii Ceel-Afweyn

admin

Dowlada & Midowga Yurub oo kala saxiixday Mashruuc lagu dhisayo jidadka dalka (Sawirro)

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo ka farxiyey qaar ka mid ah Maxaabiista ku xiran xabsiyada Somalilland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---