Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal Khasaare dhimasho sababay oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Dagaal ayaa galabta casar gaabadkii ka dhacay degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho kaasoo dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowlada.

Sida wararku sheegayaan dagaalkan oo muddo kooban socday ayaa yimid ka dib markii ay fooda is dareen ciidamo ilaalo ka ahaa Hotel ku yaalla wadada Beexaani oo wadada xirtay iyo kuwa la socday gaadiid oo rabay iney xoog maraan.

Israsaaseyn xooggan ayaa halkaas ka dhacday taasoo keentay in halkaas laga kalal cararo, iyadoo ay goobta soo gaareen ciidamo kale oo dowlada ka tirsan.

Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidamada dagaalamay ayaa halkaas ku dhintay halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada dowlada ayaa mararka qaarkood waxaa dhexmara iska horimaadyo ka dhasha waxyaabo aan macno badan laheyn kuwaasoo sababa khasaare nafeed oo soo gaara iyaga iyo dadka rayidka ah oo ku dhow goobaha ay ku dagaalamaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Wasiir Saaxiib dhow la’ ah RW Rooble oo xildhiban loogu doortay Ceelwaaq

Caydiid Ali

Nigeria oo qaaday tallaabo deg deg ah kaddib muuqaal carro dhaliyay oo la baahiyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Putin oo saxiixay in afar ka mid ah gobolada Ukraine lagu daro Ruushka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---