Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Al Bashiir iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu oo dhaweeyay Itoobiya (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Jimma ee Ismaamulka Oromada dalka Itoobiya si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Madaweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Sudan Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cumar Xasan Al-Bashiir.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo madax kale oo katirsan dowlada Itoobiya ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jimma Madaxda wadamada Suudaan iyo Jabuuti .

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Suudaan ayaa lagu casuumay ka qeyb galka daah furka mashaariic horumarineed oo laga hir galiyay magaalada Jimma, waxa ay sidoo kale ka qeyb gali doonaan munaasabad weyn oo magaaladaasi ka dhaceysa.

Madaxda Wadamada Itoobiya, Jabuuti iyo Sudan ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay yeeshaan wadahadalo sadex geesood ah oo looga hadlayo isbadalka Geeska Afrika iyo idii loo xoojin lahaa xiriirka sadexda wadan ka dhaxeeya.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isbadal weyn ka hirgaliyay dalka Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika, waxa uuna abuuray Ra’isul Wasaaraha jawi ka badalan kii hore looga bartay Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo 3 qodob oo Muhiim ah kala hadlay danjire Kate Foster (Sawirro)

Caydiid Ali

Xukun Dil ah oo saakay lagu fuliyay nin Kufsi iyo Dil isugu daray Gabar yar

Cabdi Cade

Sagaal arrin oo ay eegeyso maxkamadda ugu sarreysa Kenya si ay u kala saarto Ruto iyo Raila

Cabdi Cade