Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo booqday magaalada Taariikhiga ah ee Carta (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta booqday magaalada taariikhiga ah ee Carta.

Magaalada uu booqday Ra’isul Wasaare Xamse Barre, ayaa ah magaalo taariikhi ah si weyna bulshada Soomaaliyeed magaceeda u yaqaanaan waxa ayna magaalada aheyd  halkii lagu soo unkay Jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, sannadkii 2000.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kormeer ku tagey goobo kala duwan oo kamid ah magaalada Carta, gaar ahaan halkii lagu qabtay shirka sanadkii 2000, halkaas oo laga hirgeliyey madxaf weyn oo ay ku keydsan yihiin dhammaan taariikhdii uu lahaa shirka iyo marxaladihii kala duwanaa ee laga soo maray.

Mudane Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti doorka weyn ee ay ka qaateen dowlad-dhiska Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey dhismaha madxafka lagu keydiyey taariikhda shirka uu lahaa, si jiilasha soo socda ay ugu noqoto raad ay ku heli karaan taariikhdii uu shirkaas lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.

Related posts

Nin Soomaali ah oo labo qof ku dhax dilay Gudaha Masjid kuyaala magaalada Cape Town

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii caawa lagu weeraray Hotelka uu degnaa Jen C/xamiid Dirir

Cabdi Cade

(Sawirro) Kenya oo baadi goobeysa shan nin oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---