Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii caawa lagu weeraray Hotelka uu degnaa Jen C/xamiid Dirir

Waxaa caawa qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray Hotel kuyaala Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamul goboleedka Galmudug.

Gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegay in uu ku qarxay meel u dhaw Hotelka lala damacsanaa, waxaana qaraxa waxyeelo kasoo gaartay ciidamo katirsan dowlada iyo dad kale oo shacab ah.

Hotelka qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay in ay degnaayeen saraakiil ay ku jiraan Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha ciidanka qeybta 21 aad Cabdicasiis Qooje, labada sargaal ayaana la sheegay in qaraxa ay ka bad baadeen.

Qaraxa ayaana la sheegay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walina si rasmi ah looma oga inta uu la egyahay khasaaraha qaraxan ka dhashay, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfurta Gaalkacyo iyo taliska milatariga.

Saraakiishan caawa lagu weeraray Qaraxa ayaa magaalada Gaalkacyo u tagay xalinta colaad u dhaxeysay labo beel oo wada dega gobolka Mudug, waxa ayna maalmahan ku sugnaayeen Koonfurta Gaalkacyo .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -