Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil booliis oo la baray cilmi Fooraansi Seyniska (Sawirro)

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa saraakiil baarayaal ah oo ka kala socdo maamul goboleedyada dalka u soo xiray tababar lagu horumarinayo xirfadooda.

Hoggaanka qorshaha iyo tababarada ciidanka booliiska, ayaa sheegay in baarayaashan lagu tababaray cilmiga Fooraansi sayniska, maareynta goobta dambiyadu ka dhacaan, habka waraysiyada looga qaado dhibanaha iyo markhaantiga iyo sida loo adeegsado dhijitaalka marka cadeymaha la soo bandhigayo .

Taliyaha, ayaa baarayaasha kula dardaarmay in wada shaqeynta dhexdooda xoojiyaan cilmiga la barayna ku howlgalaan , saaxiibada shaqo wadaaga ay yihiina la wadaagaan aqoonta ay soo faa’iideen .

Booliiska Soomaaliya , ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay sameenayay hormaro, waxaana tababarp kala duwan la siiyay saraakiil ciidan oo dhallinyaro ah una badan kuwa waxbartay.

Related posts

Cali Guudllaawe oo kulan xasaasi ah la qaatay Taliye Odowaa (Sawirro)

Caydiid Ali

Kismaayo: Askar ka tirsan ciidanka Jubbaland oo lagu xukumay dil iyo xabsi (Sawirro)

Caydiid Ali

Abiy Ahmed: “Marna kama tanaasuleyno inaan bad helno”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---