Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo ka hadashay in Boosaaso laga weeraro dalka Sudan

Maamulka Puntland, ayaa si adag u beeniyay eedaymaha ku saabsan in ay ku lug leedahay colaadda dalka Suudaan gaar ahaanna in magaalada Boosaaso laga weeraro magaalooyin ka tirsan dalka Suudaan.

Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso, ayaa horey loo sheegay in saldhig ka dhigteen ciidamo u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, kuwaa oo marar kala duwan laga duqeeyay magaalooyin katirsan dalka Sudan, iyaga oo Imaaraadka garab siinayaan ciidamada RSF.

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor , ayaa si adag u beeniyay in Boosaaso laga weeraro dalka Sudan, waxa uuna sheegay in waddamo kale wadaan dacaayado ka dhan ah lana doonayo in lagu xumeeyo xiriirka iyo sumcadda Puntland.

“Waddamo xiriir muddo kooban ah laleh Soomaaliya ayaa maanta wada olole lagu wiiqayo xiriirka Puntland iyo Imaaraatka Carabta. Waxay adeegsanayaan dacaayado aan sal iyo raad toona lahayn oo ku saabsan in Puntland laga weeraro dowladda Suudaan, waana waxba kama jiraan wararkaasi” sidaasi waxa yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Imaaraadka Carabta, ayaa saameyn xooggan ku leh deegaannada maamulka Puntland, waxa uuna Imaaraadka saldhigyo ku leeyahay magaalada Boosaaso, iyaga oo sidoo kale Puntland u tababara ciidamo gaar ah.

 

Related posts

Dacwado laga gudbiyay Cabdiwali Cali Axmed oo Sababay in si deg deg loogu amro in uu Muqdisho ku yimaado

Cabdi Cade

Rag qaraxyo waday oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Xasan Shiikh oo ka hadlay safarka Xamse ku tagay Laascaanod

Caydiid Ali
Taboola Ads ---