Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr Xasan Maxamed Muungaab, ayaa lagu soo dhaweeyay Aqalka dowladda Hoose ee Xamar, asigoona kulan la qaatay guddoomiyaha xafiiska sii baneenaya Mudane Maxamed Axmed Amiir.
Guddoomiye Mudane Dr Xasan Maxamed Muungaab ,ayaa inta uu ku sugnaa Aqalka dowladda Hoose ee Xamar waxa uu booqday xafiisyada guddoomiye kuxigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar.
Sidoo kale waxa uu kormeer ku tagay xarumaha agaasinka caafimaadka, dad-dhigista, gaadiidka iyo gurmadka deg-degga, halkaasi oo ay warbixin ku siiyeen agaasimeyaasha kala duwan ee waaxyaha, waxa uuna xarunta taliska ciidanka illaalinta deegaanka Xamar, salaan sharaf kaga qaatay cutub ka tirsan ciidanka illaalinta deegaanka Xamar ee (Municipio).
Guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Banaadir Muungaab, ayaa la filayaa in dhawaan xilka si rasmi ah ula wareego, waxaana hadda xarunta maamulka gobolka Banaadir ka socota qaban qaabada munaasabadda uu xlka kula wareegayo duqa cusub ee Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com