Maxkamadda derajada koobaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta oo Talaado ah xukunno kala duwan oo xabsi ah ku riday shabakad makaakin ah oo lagu eedeeyay in ay la shaqeenayeen kooxda argagaxisada ah ee Al Sha\baab.
Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macalim Xaaji ayaa lagu eedeeyay in uu khawaarijta u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada Ku fuliyaan iyo kuwa ka ciladooba, isaggoo gawaarida cusubna ka tiri jiray sumadaha aqoonsiga Chassis Number, mid cusubna saari jiray, si tixraac aysan ugu sameyn Hay’addaha ammaanka, tan iyo sanadkii 2018 ayuuna howlahaan u hayey aragixisada.
Dhagarihii uu ka qeyb qaatay waxaa kamid ah qaraxii Soobe 2 oo dhacay 29-kii Ocotober sannadkii 2022, kaasi oo loo adeegsaday mooto kuwa xamuulka qaada ah oo farsameynteeda uu lahaa, sidoo kale qaraxyo ka dhacay SYL, Beach View ayuu ka qeyb qaatay.
Eedeysane Cabdinaasir oo hoostagayey horjooge lagu magacaabo Khalid, ayaa mushaar ahaan u qaadan jiray $240 dollar, waxaana loo iibiyey gaari Noha ah oo u isctimaali jiray fududeynta howlihiisa khawaarijnimo, sidoo kalana waxaa loo furay garaash uu wakiil uga ahaa argagaxisada.
Waxa uu la shaqeeyay xukunsanayaal ku jira xabsi Dhexe iyo kuwa lagu dilay xabsiga, ka dib markii ay isku dayeen iyaggoo dagaalamaya inay baxsadaan Sanadkii 2024.
Horjoogahaan, ayaa gacanta ciidamada amniga soo galay 19-kii bishii Agoosto ee sannadkii hore 2024, iyaddoo lagu soo qabtay gawaari loo diyaarinayey in loo adeegsado qaraxyo lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed .
Maadeey Cabdi Xuseen oo makaaniknimo ku shaqeysta ayaa xiriirka argagixisada ka helay eedeysanaha 1aad Cabdinaasir, safar qaatay maalin iyo habeen ayuu ku tagay deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeelada Hoose, si uu khawaarijta ugu farsameeyo seddex gaari oo ka ciladeysnaa, waxaana uu horey usii watay Ciise Maadeey Cabdi Xuseen.
Muddo bil ah oo ay halkaasi joogeen kadib waxay kusoo laabteen Ceelasha Biyaha, iyaggoo wata $400 dollar oo khawaarijtu ay kusoo sagootisay, 50 dollar ayuuna ka siiyey Ciise.
Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq oo hore tiro laba jeer ah loo soo xiray ayaa lagu soo eedeyay inuu kala gudbin jiray dadka u dacwooda Khawaarijta iyo inuu ka iibsan rabay argagixisada gaari isaga uu lahaa, balse isagoo aan gadan ayey kawar heleen ciidanka amniga, sidaasna lagu qabtay.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.
– Cabdinaasir Maxamed Xasan ayey .maxkamadu ku xukuntay xabsi Daa’in.
– Maadeey Cabdi Xuseen ayaa lagu xukumay labo sano oo xabsi argagixiso ah.
– Ciisa Maadeey Cabdi Xuseen ayaa isna lagu xukumay hal sano oo xabsi argagixiso ah.
– Halka Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq ay maxkamaddu dib u siisay xoriyadiisa, kadib markii lagu waayey eedii loo heystay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.