Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga oo soo saaray shuruudo cusub oo lagu xiray dadka xajinaya sannadkan

Sacuudi Carabiya ayaa sanadkan shuruudo cusub ku xirtay gudashada waajibaadka xajka, iyadoo ujeedkeedu yahay in la xakameeyo soo gelista magaalada Maka, isla markaana la yareeyo dhacdooyinka iyo shilalka ka dhex dhaca dadka faraha badan ee u soo qulqulaya si ay u gutaan waajibaadka xajka.

Saxmadda xad-dhaafka ah iyo kulaylka daran ee sannadkii hore ayaa sababay dhimashada in ka badan 1,300 oo xujeey ah. Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday in dadkaasi ay u badnaayeen xujey aan heysan warqado ogolaanshaha Xajka, waxa ayna taasi ku micneysay in ay masaafo dheer soo mareen kulayl aad u daran oo heerkulku mararka qaar dhaafo 50 digrii.

Maamulka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay shuruudo cusub oo ku aadan Xajka sanadkan, iyagoo rajeynaya in la xakameeyo dadka, isla markaana la yareeyo ciriiriga, lagana fogaado shilalka iyo dhibaatooyinka.

Shuruudahan ayaa waxaa ka mid ah kuwa la xiriira dadka waayeelka ah iyo haweenka oo ah kuwa ugu nugul dhibaatooyinka xajka ay soo gaaraan. Da’da ugu yar waa 18 ilaa ugu badnaan 65..

Kuwa ka yar 18 waa in ay la socdaan waalid ama mas’uul sharci ah ayaa loo baahan yahay. Tirada dadka waayeelka ah ayaa sidoo kale la dhimay sanadkan.

Sacuudi Carabiya ayaa xujayda uga baahan inay keenaan shahaado caafimaad oo xaqiijinaysa jir ahaan iyo maskax ahaan iyo caafimaad ahaan uu qofku fiyow yahay si ay u gutaan dhammaan cibaadada Xajka.

Haweenka da’doodu ka yar tahay 45 sano waa in ay la socdaan Muxram (masuulka) oo wata caddaynta xiriirkooda sharci (heshiis guur ama warqad dhalasho).

Haweenka da’doodu ka weyn tahay 45 sano waxa ay gudan karaan muxram la’aan, waase haddii ay keenaan warqadda diimada qofkii muxramka u ahaa oo maxkamadi soo siisay.

Sanadkan, xujaydu waxa ay gudan karaan xajka oo kaliya in ay si gaar ah isaga diiwaan galiyaan xajka iyo cumrada qaab elektarooniga ah oo ah goobta rasmiga ah ee ay ansixisay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada.

Cidii aan wadan sharci rasmi ah waxaa laga mamnuuci doonaa inay dalka soo galaan, waana laga musaafurin doonaa.

Boqortooyada ayaa sidoo kale uga baahan xujayda dooneysa inay soo gutaan Xajka si ay u helaan tallaalka afar geesoodka ee meningococcal ugu yaraan 10 maalmood ka hor imaanshaha dalka.

Tallaalooyin dheeraad ah ayaa la heli karaa, sida Cagaar-showga , dabaysha, iyo hargabka, taas oo ku xiran dalka iyo xaaladda caafimaad.

Dadaal lagu doonayo in lagu dhimo shilalka ku dhaca xujeyda, ee ka dhaca waddooyinka iyo goobaha barakeysan, ayaa la soo saaray awaamiir muhim ah oo ay ka mid yihiin in la seexdo ama la seexiyo waddooyinka iyo meelaha kale ee aan loogu talagelin ee ku dhex jira goobaha barakeysan, iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la iska ilaaliyo qorraxda iyadoo la adeegsanayo dallado difaac ah.

Xiliyada xajka ayaa inta badan waxaa ka dhaca dhacdooyiin iyo dhimasho ay sababto ciriiriga. sanadkii 2020 ayaa hakadkii ugu wayna aku yimid ka dib markii Sacuudi Carabiya ay joojisay Xajka sababo la xiriira markii uu dilaacay coronavirus.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa go’aan ku gaaray inay xajka ku xaddidaan xilligaasi muwaadiniinta iyo dadka deegaanka sannadkaas oo keliya si looga hortago faafitaanka masiibada, kororka tirada cudurrada ee Boqortooyada Sacuudiga marka loo eego waddamada deriska ah.

Source BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.

Related posts

Dowlad Carbeed oo ku gacan seyrtay iney xiriir la sameysato Yuhuuda

Caydiid Ali

Dal Yurub kuyaalla oo Musaafurinaya kumannaan qaxooti ah ay ku jiraan Soomaali

Cabdi Cade

Maraykanka oo joojiyey shaacinta Khasaaraha Weerarada ay ka fuliyaan Somalia (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---