Dowlad Carbeed oo ku gacan seyrtay iney xiriir la sameysato Yuhuuda

Raisul wasaaraha Tunisia Hichem Mechichi ayaa sheegay in dalkiisu uusan wax xiriir la sameysan doonin Israel, xili qaar ka mid ah dalalka Carabta ay xiriir diblomaasiyadeed la sameysteen

Mr Mechichi oo ka jawaabayay su’aal ay weydiiyeen suxufiyiinta oo ahayd in Tunisiya ay damacsan tahay inay raacdo waddada Morocco iyo in kale ayuu ku jawaabay in dal walba xor buu u yahay inuu doorto dookhiisa

Xili uu booqasho rasmi ah ku joogay Faransiiska ayuu Mr Mechichi sidoo kale beeniyay in maamulka Trump uu cadaadis Tunisiya ku saaray iney hagaajiso xiriirka Israa’iil.

Ma jiraan wax ku saabsan maamulka Trump oo nagu cadaadinaya inaan raacno wadadii Morocco iyo Emirates” ayuu sii raaciyay.

Morocco ayaa toddobaadkii la soo dhaafay noqotay xubintii afraad ee ka tirsan Jaamacadda Carabta ee shaacisa xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Israel bilihii la soo dhaafay, waxaana ka horeeyey dalalka Imaaraadka, Baxreyn iyo Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -